Ganacsi lacag la’aan bilaaw buug pdf ah

Uma baahnid lacag badan si aad u bilowdo ganacsi, badanaa dadku waxay
aaminsanyihiin lacagbaa lacag dhasha iyo in aan ganacsi la bilaabi karin lacag
la’aan. Waa mid aan aaminsanaa aniguba ilaa aan ogaaday in lacagtu u
wanaagsantahay bilowga ganacsiga hase ahaatee aanay ahayn waxa ugu
muhiimsan sababtoo ah imisaa lacag haysta oo aan hadana bilaabi karin hal
ganacsi, imisaa lacag haysta oo lacagtoodu ka khasaartaa ganacsigooduna fadhiid
noqdaa.

--Advertisements--

Tusalayaal badan ayaa jira oo ina tusaya in lacagtu aanay ahayn waxa ugu
muhiimsan marka ganacsi ama mashruuc la bilaabayo. Waxay ahayd bilowgii
qarniga labaatanaad waxaana caalamkoo dhani u tartamayey cidii cirka ku horayn
lahayd soona saari lahayd diyaaradii ugu horaysay, dawlado badan ayaa ku
tartamayey Maraykankuna ka mid ahaa isagoo doonaya inuu kaga horeeya
dawladaha kale ayuu isku keenay khubaradii ugu caansanaa uguna caqliga iyo
khibrada badnaa wadankiisa una qoondeeyay miisaaniyad dhan $50,000 oo
xiligaa ahayd lacag aad u badan hase ahaatee isku day badan kadib mashruucii
wuu fashilmay wax natiijo ahna muu keenin khasaaro mooyaane, sagaal cisho
kadib maalintii uu mashruucaasi fashilmay ayaa laba nin oo dhalinyaro ah oo
walaalo ah waxbadana aan haysan ayaa tuulo yar ka kiciyey diyaaradii ugu
horeeysay aduunka, wax badan may haysan cid wax ku caawisayna may jirin
laakiin taariikhda ayeey galeen maantana ikhtraacoodii wax badan buu taray bani
aadamkoo dhan. Sirtuna waa isku dayga, dedaalka iyo tijaabinta.

Hoos kadagso buuga.

Ganacsi-bilaa-lacag-ku-bilow (1)

--Advertisements--

 

--Advertisements--

22 Replies to “Ganacsi lacag la’aan bilaaw buug pdf ah”

    1. Meeshan ayuu yaallaa buugga …color green ah ayuu ku qoranyahy ku dhufo kadibna download dheh

  1. asc waad mahadsan tihiin dhamaantiin intii juhdiga iyo maskaxda galisay in website kaan aadka u qiima badan intaas kadib waxaan rabay inaan su,aal idin waydiiyo taas oo ah
    waxaan rabay inaan aqristo markii aan guda galayna waxaan arkay hadii aan iibsan ma aqrisan kartid Ciwaanka website kana waxaa kuqoran free course.
    marka waxaan ubaahanay in aan aqristo buugaan iyo intii kaloo iga anfacda website ka.
    marka maxaa la iiga baahan yahay si aan wax uga faaiido website kaan.
    waad mahadsantihiin

Comments are closed.