Earn 65$ by Affiliate marketing

--Advertisements--

Ma u baahan tahay inaad la shaqeysato shirkadda weyn ee Bluehost ,adigoo kula shaqeenaayo qaab suuq-geyn ah, kuna darso uma baahnid inaad haysato mareeg (website), kaliya waxaad fursadan ku bilaabi kartaa adigoo shirkadan u sameenaayo nidaam suuq-geyn ah. Fadlan maqaalkaan sii aqri hadii aad daneeneyso inaad ka faaideysato fursadaan.

Maqaalkaan waxaan uga hadleynaa, sida aad uga faaideysan karto baraha bulshada ee su’aalaha la isaga weydiiyo oo loo wada yaqaano Quora iyo Medium. Waxaad sidoo kale maqaalkaan aad ku baraneysaa qaabka aad link-ga suuq-geynta ee bluehost aad u sameeysan lahayd, adigoo suuq-geynta ku dhax sameenaayo baraha bulshada ee su’aalaha la isaga weydiiyo. Ugu horeyn, waxaan ku faahfaahin doonaa hordhaca barnaamijkaan suuq-geynta ah iyo qorshiisa. Ugu dambeynse, waxaad ogaaneysaa inaad la shaqeysaneyso shirkaddan ,adigoo helaayo qiddmad lacag ah oo aad ku kasbaneyso inaad suuq-geyn u sameyso shirkadan.

Hordhaca Barnaamijka Suuq-Geynta Bluehost

waxey ku siineysaa $65 mar kasto aad shirkadda macamiil kusoo xerto. Waxaa cajiib ah marka loo eego in macmiilku kaliya adeega shirkadda ku bixinayo $8 bishii, isagoo uu ku helayo bisha ugu horeysa bilaash, halka adiga oo suuq-geeye ahna aad heleyso $65 marka aad macamiil kusoo xerto shirkadan kaas oo adeegsanaayo mid kamid ah adeegyada ay bixiso shirkadda.

Shirkadda Bluehost waxay mudnaan gaar ah siineysaa macaamiisha isticmaala adeegeeda hosting-ka, taas oo horseedeyso in macaamiilka aad shirkadan kusoo xertey uu inta badan sii ahaado macamiil joogto ah, taasina waxey horseedeysaa in adiga oo ah suuq-geeye aad hesho qidmad joogto ah kaas oo aad ku kasbatey in macaamiilka aad keentey uu si joogto ah u isticmaalo adeegyada shirkadda.

--Advertisements--

Qorsheyaasha Martigelinta Bluehost

Waxaa jira shan nooc oo qorshe martigelin ah (hosting), kaas oo ay shirkadda ugu talagashey macamiisheeda in ay ku daboolaan baahidooda dhanka martigelinta mareegyada. Qeybta hoose ka eeg noocyada qorshaha Bluehost ay ku martigeliso mareegyada:

  • Martigeliyaha wadaaga (shared hosting): $2.95 bishiiba, dib u cusbooneysiintana waa $8.99 bishiiba.
  • Martigeliyaha gacansiga (WooCommerce hosting): $15.95 bishiiba, dib u cusbooneysiintana waa $24.95 bishiiba.
  • Martigeliyaha maamulka wordpress (managed wordpress hosting): $9.95 bishiiba, dib u cusbooneysiintana waa $29.99 bishiiba.
  • Martigeliyaha VPS: $18.99 bishiiba, dib u cusbooneysiintana waa $29.99 bishiiba.
  • Martigeliyaha kuu gaarka ah (dedicated hosting): $79.99 bishiiba, dib u cusbooneysiintana waa $119.99 bishiiba.

Shirkadan Bluehost waxey macaamiisheeda u fidiisaa adeeg damaanad qaad ah, ayadoo macamiilka haduusan adeega ku qancin loo celinaayo qidmadda uu adeega ka bixiyey muddo soddon maalmood gudaheeda.

--Advertisements--

Sababta Aan Ku Doortey Barnaamijkan

Bluehost waa shirkada ugu caansan aduunka ee martigelisa mareegyada (websites) in ka badan 2 milyan oo mareeg caalami ah. Sidoo kale shirkadaha waaweyn ee caalamka sida WordPress, ayaa soo jeedin iyo talo bixin ku sameeyey adeegyada ay shirkan bixiso.

Sidoo kale shirkadan waxey bixisaa adeegyo horumarsan ee dhanka isticmaalka mareegta iyo tayeyntoodaba, ayadoo xusid mudan in qiimaha adeegyadeedana ay raqiis tahay marka loo eego shirkadaha lamidka ah ee bixiya isla adeegyada ay bixiso Bluehost

Sidee Lacag Looga Sameyn Karaa Barnaamijka Suuq-Geynta Bulehost

Hadii aad haysato mareeg kuu gaar ah, waxaad sameyn kartaa inaad kusoo bandhigto adeega shirkadaan qaab xayeysiin ahaan ah, adigoo ku soo bandhigi kara qeybaha kala duwan ee mareegtaada (webiste). Sidoo kale waxaa jira qaabab kale ee qofka aan mareeg (website) haysan uu ka faaideysan karo barnaamijkaan isagoo isticmaalaayasha baraha bulshada ee su’aalaha la isaga weydiiyo Medium iyo Qoura.

Hadaba si aad lacag ugu hesho adigoo adeegsanaayo barnaamijkan suuq-geynta , waxaan sameen kartaa inaad diyaariso maqaal nuxurkeedu yahay, inaad faalo ka bixiso adeegaan ama aad la barbardhigto adeeg kale oo lamid ah adeegaan. In la isla barbardhigo labo adeeg oo shaqadooda ay iskumid tahay waxey horseedeysaa in uu aqristahaaga mar kasto aad ka faaideysato asagana uu kaa faaideysto, adigoo maqaalkaaga aad ka dhigeysid mid run ah oo soo jeedasho leh.

Sida aad u adeegsato baraha Qoura iyo Medium, waxaad u baahan tahay inaad akoon ka sameysato, kadibna aad isku deydo inaad ka jawaabtid su’aalaha ku jira qoura ama medium ee la xiriira ,adigoo jawaabtaada kadib aad u tilmaameyso aqristaha jawaabtaada inuu kusoo biiro barnaamijka suuq-geynta shirkadan, asagoo ka heli kara $65 marka uu macamiil kusoo xero shirkada.

Gunaanad: Lacag Ka Samee Barnaamijka Suuq-Geynta Bluehost

Ugu dambeyn, waxaad sameyn kartaa $65 markii aad kusoo xerto macamiil isticmaala adeegyada bluehost adiga oo abaalmarintan ku heli doona suuq-geynta aad shirkada u sameysey. Si aad ku biirto barnaamijkan waxaad u baahan tahay inaad qaado talaaboyiinka soo socda:

  • Inaad akoon suuq-geyn ah aad ka furato  (riix qoraalka buluuga ah si aad u furato)
  • Diyaari maqaal ku saabsan adeegyada ay bixiso
  • Maqaalka aad qortey ku soo bandhig Qoura iyo Medium
  • Ka jawaab su’aalaha ku jira qoura ee la xiriira

Gabagabadii, si aad online lacag ugu sameyso, waxey u baahan tahay, dadaal iyo juhdi badan inaad ku bixiso, adigoo raacaayo tilmaamaha wanaagsan ee guusha kuu horseedi karto. Fadlan booqo mareegteyda si aad u hesho qaabab fudud ee online lacag lagu sameyn karo.

Riix halkaan si aad uga faaideysato korsoyinka xirfad online.

--Advertisements--

23 Replies to “Earn 65$ by Affiliate marketing”

  1. We also use third-bash cookies that help us examine and understand how you employ this website. These cookies might be stored as part of your browser only with your consent. You also have the choice to decide-out of such cookies. But opting out of Many of these cookies might impact your browsing expertise.

Comments are closed.