5 siyaabood aad onlineka lacag uga sameen karto: make money

Internet Ka Maanta Wuxuu Isku Xirey Dunida Oo Dhan. Hadaba Fursado Badan Oo Lacag Kaga Sameyn Kartid Online Ka Baan Rabaa In Aan Maqaalkan Kuugu Soo Gudbiyo.

--Advertisements--

Create An Online Course

Hadii Aad Xirfad Ama Aqoon Duruqsan U Leedahay Cilmi Aad Baratey Kuna Shaqeysid, Waxaa Ku Furan Inaad ( Mini Course ) Ka Sameysid Oo Wixii Aad Baratey Dadka Kale U Faa’ideysid. Tusaale, Forex Trading Course, Video Edeting, Affiliate Marketing, Dropshipping Iyo IWM.

Haddii aad xiiseynso inad xirfad cusub barato nagal soo xiriir whatsappka hoose

--Advertisements--

Kaliyah Waxaa Lagaaga Baahan Yahey, In Aad Duubtid Koorsada Ayadoo Maqal Iyo Muqaal Ah, Kadibna Aad Website Soo Galisid Ardeydana Aad Qiimo Macquul Ah Kaga Gadid.

Intaa Hadii Aan Kugu Daro, Marka Hore Muhiim Maaha, Website Aad Adugu Leedahay In Aad Sameysid,Waayo Qarash Fiican Buu Rabaa Kadibna Koorsada Soo Galisid, Waxaa Jiro Websites Loogu Tala Galey In Aad Kooras Ku Iibin Kartid Soona Gashan Kartid Videos Kaaga Si Bilaash Ah. Waxana kamida ( thinkific .com )

Start Youtube

Haa, Youtube Ka Lacag Waa Laga Sameeyaa. Markaan Ku Iri Youtube, Waxaa Maskaxdaada Kusoo Dhacdey, Prank, Vlogs, Ruwaayado Iyo Soomaali Isku Xagxaganeyso Oo Maalin Walba Dagaal Afka Ah Isku Qaado.

Intaas Wuuka Weyn Yahay Youtubeka, Waxaa Kusoo Gudbin Kartaa Wax Cilmiyeysan Oo Sharaftaada Kaaga Dhaceyn Waayo Waxaa Isleedahay Waxbaa Baratey Oo Aqoonyahan Baa Tahey.

Hadii Aad 1000 Susbcribers Heshid Iyo 4000 Saacadood Youtube Kaaga La Daawado, Youtube Ka Bilkasta Lacag Buu Kusoo Dirayaa Oo 70 Dollars Buu Kaaga Bilaabayaa. Hadii Aad Vidoes Badan Soo Dhigtidna Dabcan Lacagtaas Wey Sii Badaneysaa.

Freelancing

Freelancer In Aad Noqotid Waxaa U Baahan Tahay, Internet Acess, Labtop Iyo In Aad Iska Diwaan Galisid Websites Looga Shaqeeyo Shaqadan Sida Fiverr Iyo Upwork. Sidoo Kale Waxaa U Baahan Tahey In Aad Xirfad Leedahey Sida, Website Developer, Translator Iyo Xirfad Kalaba.

Saacadii Waxaa Ku Shaqeyn Kartaa 10 Dollars Ilaa 50 Dollars.

Aniga Waxan Ka Shaqeeyaa Website Ka Fiverr Oo Waxaan Ka Ahay webdesigner dhisa ama sameya websiteska.

Blogging

In Aad Wax Qortid Hibo Weeye Lkn Aniga Hibadaas Ma Lihi Lkn Waxaa Bartey Qaabka Loo Qoro Maqaalada ( Articles ).

Adiga Waa Qori Kartaa Oo Waxaa U Baahan Tahey In Aad Blog Bilaash Ah Ka Furatid Google Ka. Blogg Gaaga Ama Website Kaaga Dadka Soo Booqonaya Oo Aqrisanayo Maqaaladaada Ogow Lacag Baa Lagu Helaa. Bishii 100 Dollar Ilaa 500 Dollars Baa Google Adsense Kusoo Dirayaa Sida Youtube Oo Kale.

Hadddii aad xiiseyneyso inad xirfad cusub barato nal soo xiriir whatsappka hoose

https://wa.me/message/FR26B7ONICIWC1

Affiliate Marketing

Affiliate Marketing Ka Waa Ganacsi Laga Macaasho Oo Lacag Fiican Laga Helo. Aniga Shaqada Igu Badan Ee Aan Qabto Waa Asaga Oo Si Maalinle Ah Baan Oga Shaqeeyaa. Hadii Aan Kusoo Koobo, Waaxaad Xayisiineysaa Badeecooyin ( Products) Oo Google , Facebook Iyo Instragram Ka Baad Ku Xayisiineysaa, Hadii Uu Qof Gato Badeecadaas Waxaa Helaysaa Lacag ( Commission ) 20 Dollars Ilaa 100 Dollars U Dhaxeysa, Waxaana Lacagtaas Ku Siinayo Shirkada Iska Leh Badeecadaas. Websites Looga Shaqeysto Waxaa Ka Mid Ah Clickbank, Digistore24 Iyo JvZoo.

Gunaanad

Igu Danbeyntii, Masoo Koobi Karo Qaababka Online Looga Shaqeysto Lkn Maanta Waxaa La Isku Waafaqsanyahey , In Aduunka Cusub Uu Kusoo Aruurey Tiknoolajiyad Waliba Xiligan Adag Ee Caabuqa COVID-19 Lagu Jiro Oo Dadka Badankiis Gurigooda Ayagoo Joogo Shaqeysan Karaan Lacag Fiican Kasoo Gali Karto. Intaas Aan Kor Kusoo Sheegay Waxey Ubaahan Tahey In Aad Juhdi Iyo Dadaal Badan Galisid Si Aad Dhaqaale Oga Sameysid. Shaqo Fudud Ma Jirto Lkn Dadaal Iyo Joogteyn Bey U Baahan Tahey.

Wixii Comment Ah Hoos Noogu Reeb.

XIRFAD ONLINE

WQ/ BUZURI AWEIS

--Advertisements--

8 Replies to “5 siyaabood aad onlineka lacag uga sameen karto: make money”

  1. Runtii waa shanta tiir ee igu waa wayn online oo hadii uu qofku ku dadaalo lacago badan lagasamayn karo dadbadana ay kasameeyen.

  2. hadii aan ahay qof rabta inay barato sida loosameyo lacag doonaysana inay xirfad ahaan u adeegsato aqoon balse aysan haysa lacag masamayn karo miya

Comments are closed.